Ogaysiis Deeq Waxbarasho | Scholarship Program Announcement

Shape

 Jaamacadda Puntland State University waxay ku wargelinaysaa dhammaan bulshada Reer Puntland in jaamacaddu qabanayso codsiyadda deeq waxbarasho oo ay iska kaashanayaan jaamacadda PSU iyo Wasaardadda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo ay maalgalinayso Hay’adda UNICEF.

Fursaddaan waxbarasho waxaa ka faa’iidaysan kara SHAQAALAHA DAWLADA, URURRADDA BULSHADA RAYIDKA AH IYO ARDAYDA ka qalinjebisey DUGSIYADA SARE

SHURUUDAHA LAGA RABO QOFKA CODSADAHA AH:

  1. Shahaadada Dugsiga Sare oo la aqoonsan yahay, Waana in uu la yimaada shahaadadda dugsiga sare oo asalkii ah (Original)
  2. Laba (2) sawir oo nooca Passport-ga ah (Passport Size Photo)
  3. Waa in uu qaataa Foormka Ogolaanshaha (Admision Form) soona buuxiyaa inta isqoristu socoto
  4. Foormka Ogolaanshaha(Admision Form) waxaa laga qaadanayaa Xafiiska Diiwaanhayaha Jaamacadda (Registrar Office)
  5. Waa in uu bixiyaa $20(labaatan doolar) oo ah Khidmada Diiwaangelinta (Registration Fee) oo aan dib loogu celin doonin
  6. Waa inuu dhibco fiican ka keeno imtixaanka aqbalaadda jaamacadda
  7. Waxay Isqoristu  bilaabanaysaa 25/09/2018 ilaa 04/10/2018 (insha alaah),
  8. Waxaa loo fariisanayaa Imtixaanka Gelitaanka (Entrance Exam) 06/10/2018, 8:30 Subaxnimo (insha alaah)
  9. Waxaa la soo dhejinayaa Najiitada imtixaanka 10/10/2018, saacadu markay tahay 9:30 subaxnimo insha allaah
  10. Tiradda ardayda la qaadanayo waa 40arday oo kaliya.

 

Puntland State University